Home / Somali News / Madaxweyne Obama oo Jeediyay Khudbaddiisii ugu dambeysay

Madaxweyne Obama oo Jeediyay Khudbaddiisii ugu dambeysay

Madaxweyne Obama ayaa dadka Ameerikaanka ah weydiistay inaysan lumin aragtida xagga qiyamka ee dalku ku dhisan yahay, marka laga hadlayo la dagaallanka argagixisada.

Khudbadiisii ugu dambaysay khudbadihiisa waaweyn ee uu kaga hadlayey dhanka amniga ayuu Mr Obama ku celiyey sida uu uga soo hor jeedo adeegsiga jirdilka oo ay ku jirto waxa loo yaqaanno ‘waterboarding’ oo ah in qofka jawaan madaxa loo galiyo, ka dibna biyo dusha looga shubo wajigiisa daboolan, taasoo hafasho oo kale ah.

Isagoo ka hadlayey xarunta ciidanka cirka ee MacDill oo ku taalla Tampa, Florida, ayuu Mr Obama wuxuu intaa ku daray in dagaalka ka dhanka ah argagixisada aan guul laga gaari karin ayadoo gidaar la dhex dhigayo Ameerika iyo dunida inteeda kale.

Wuxuu cambaareeyey xabsiga Guantanamo Bay oo uu sheegay inuu bar madow ku yahay sharafta dalka. Madaxweynaha la doortay, Donald Trump, ayaa hore u difaacayey adeegsiga biyaha qofka lagu hafiyo, wuxuuna sheegay in Guantanamo ay sii furnaan doonto.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top