Home / Somali News / Masuul sare oo loo xiray burburkii diyaaraddii wadday kooxda Brazil

Masuul sare oo loo xiray burburkii diyaaraddii wadday kooxda Brazil

Xukuumadda Bolivia ayaa xirtay madaxii shirkaddii lahayd diyaaraddii burburtay ee dishay 71-da ruux, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen inta badan ciyaartoyda kooxda kubadda cagta ee reer Brazil ee Chapecoense.

Gustavo Vargas, oo ah Jeneraal hore oo ciidammada cirka ah ayaa loo xiray baaritaan ku saabsan burburkii diyaaradda.

Diyaaradan oo ay maamulaysay shirkadda yar ee diyaaraddaha ee LaMia airline ayaa kooxda u sii qaaday Colombia ka dib na waxaa ka dhamaaday shidaalkii.

Sarkaalad reer Boivia ah ayaa sheegtay in bayloodku uu uga digay dhibaatada ka hor inta aysan diyaaradduba soo duulin.

Sarkaaladdaas oo lagu magacaabo Celia Castedo, ayaa hadda Brazil ka dalbatay magangalyo siyaasadeed, iyada oo sheegtay in ay la kulantay hanjabaad iyo tacadiyo.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top