Home / Somali News / Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo Maanta ka furmaya Muqdisho

Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo Maanta ka furmaya Muqdisho

Muqdisho–KNN–Maanta waxaa lagu wadaa in Muqdisho ay ku kulmaan madaxda madasha wadatashiga.

Shirkan waxaa la saadaalinayaa in diiradda lagu saari doono geeddi socodka qorshaha doorashooyinka Soomaaliya oo dhowr goor dib u dhac uu ku yimid.

Madaxda maamul goboleedyada ee shirkan isugu imaan doona ayaa qaarkood waxay u sharraxan yihiin madaxweynenimada Soomaaliya, ayadoo loo arko in si toos ah iyo si dadbanba ay faraha ugula jiraan hanaanka doorashada.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Madaxweyneyaasha Maamulada Hirshabeelle  iyo Koofur Galbeed iyo Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Puntland.

Sidoo kale Sharka Maanta la filayo inuu ka furmo Galinka dambe Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galidoona Xubno ka socda Beesha Caalamka.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top