Home / Somali News / War Deg Deg ah:- Puntland oo si buuxda ula wareegtay Magaalada Qandala

War Deg Deg ah:- Puntland oo si buuxda ula wareegtay Magaalada Qandala

Qandala–KNN– Wararka laga helayo Magaalada Qandala ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Puntland ay Maanta si buuxda ula wareegeen islamarkaana Magaalada Hadda ay Maamulaan.

Warbaahinta Puntland oo soo Xiganaya Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulkaasi oo Howlgalka Milatari qeyb ka ah ayaa sheegtay in Ciidamada Puntland ay Magaalada Qandala ka soo galeen Dhowr Jiho islamarkaana Dagaal Xooggan oo Magaalada ka dhacay kadib ay la wareegeen Qandala.

Saraakiisha ayaa sheegay in Dagaalka Maanta lagu dilay 4o Dagaalame oo ka tirsan Kooxda Daacish,waxaana Magaalada hadda ka jira Xaalad Kacsanaan ah.

Sidoo kale Howlgalka Milatari ee Puntland ay ku qaaday Magaalada Qandala ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamo Ajaanib ah oo dhanka Cirka ka taageeraya Puntland.

Ma jirto Warar Madax banaan oo Xaqiijinaya Khasaaraha soo kala gaaray Labada dhinac marka laga soo tago sheegashada Saraakiisha Ciidamada Maamulka Puntland.

Dhanka kale waxaa Go’an Isgaarsiinta Magaalada,iyadoo taas ay sii adkeysay in Xog intaa ka badan laga helo Dagaalka Maanta Puntland ay ku qabsatay Magaalada Qandala.

Puntland ayaa Howlgalkaan Milatari bilowday Todobaad ka hor,waxaana Maanta u suuro gashay in Qandala ay Gacanta ku dhigaan sida ay sheegeen.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top