Home / Somali News / Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab oo Saaka ku Dagaalamay Gobolka Baay

Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab oo Saaka ku Dagaalamay Gobolka Baay

Goof-gaduud–KNN– Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya,kuwa Koofur Galbeed oo isu dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa Saaka ka biloowday Degaanka Goof-gaduud oo 30-KM dhanka Waqooyi ka xiga Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Dagaalka ayaa la soo Warinayaa inuu ahaa mid aad u Culus ,waxaana Labada dhinac ay isku adeegsadeen Hubka Cul-culus.

Dad Goobjoogeyaal ah ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Dagaalka uu Geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo Dhaawac.

Inta la og yahay Dagaalka waxaa ku dhintay Saddex Ruux oo ah dhinacyadii ku dagaalamay Saaka Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koofur Galbeed oo ku aadan Dagaalka ka dhacay Degaanka Goof-gaduud.

Degaanka Goof-gaduud ayaa Dhowr Jeer Weeraro is xig xiga waxaa ku soo qaaday Al-shabaab oo Dagaal kula jira Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Shisheeye ee Taageera.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top