Home / Somali News / Doorashadii Aqalka Sare ee Beelaha ka soo jeeda Somaliland Maanta oo baaqatay

Doorashadii Aqalka Sare ee Beelaha ka soo jeeda Somaliland Maanta oo baaqatay

Muqdisho–KNN– Guddiga Doorashada Dadban ee Beelaha ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa sheegay in Doorashadii Xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland oo la filayay in ay Maanta Magaalada Muqdisho ka bilaabato uu dib u dhac ku yimid.

Guddiga ayaa sheegay in Doorashada Aqalka Sare ee Beelaha ka soo jeeda Somaliland la isla gartay in Maalinnimada Sabtida ah ee soo socota ay bilaabato.

Lama sheegin Sababta dib u dhaca ku keenay Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland.

Sidoo kale waxaa weli ka socota Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Gaadiidka Booliska Doorashada Aqalka Hoose ee Beelaha ka soo jeeda Somaliland.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top