Home / Somali News / Dowladda Sacuudiga oo ku dhawaaqday in ay Joojisay Xoolihii looga dhoofin jiray

Dowladda Sacuudiga oo ku dhawaaqday in ay Joojisay Xoolihii looga dhoofin jiray

Qaar ka mida ganacsatada Xoolaha ee ku sugan magaalada Jeddah ayaa Warbaahinta la wadaagay qoraal ay sheegeen inuu ka soo baxay Wasaradda Deegaanka, Beeraha iyo Biyaha ee Sucuudiga, kaas oo sheegayey in si ku-meel gaadh ah loo hakiyey Xoolihii Soomaalida ee dalkaas tegayey.

Nuux Daahir Camuud oo ku sugan magaalada Jeddah ayaa sheegay in amarkan ka soo baxay Sucuudiga loo qaybiyey qaar ka mid ah ganacsatada xoolaha islamarkaana amar lagu siiyey in la hakiyo xoolaha iyada oo loo sababeeyey arrimo dhinaca caafimaadka ah.

Soomaaliya ayaa  Dalka Sacuudiga u dhoofisa Xoolo aad u badan oo isugu jira Geel,Lo iyo Ari.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin Warka Sacuudiga ee ah in Xoolihii Soomaaliya looga soo dhoofin jiray ay si KMG u joojiyen.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top