Home / Somali News / Duulimaadkii Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde oo Saaka Hakad ku jira

Duulimaadkii Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde oo Saaka Hakad ku jira

Muqdisho–KNN– Shirkadaha Duulimaadka ee Isticmaala Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ayaa Saaka Sameeyay Shaqo joojin,kadib markii ay sheegeen in lagu soo rogay Lacag aysan bixin karin.

Qaar kamid ah Shaqaalaha Shirkadaha Duulimaadka ee Garoonka Aadan Cadde ayaa KNN u sheegay in aysan jirin Saaka wax Duulimaad ah oo ka baxay Garoonka islamarkaana Maamuleyaasha Shirkadaha Duulimaadka ay Go’aan ku gaareen in Shaqo joojin ay sameeyaan.

Arrintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii Shirkadda Maamusha Garoonka Aadan Cadde ee Favori ay lacag ku soo rogtay Shirkadaha Duulimaadka ee Garoonka Aadan Cadde adeegsada.

Duulimaadka Caalamiga ah ayaa la sheegay in horay Calaa diyaarad looga qaadi jiray Lacag dhan 20$ Dollar (Labaatan Dollar)balse hadda lagu amray in ay bixiyaan 30 $ (Sodon Dollar).

Sidoo kale Duulimaadka Local-ka ah ama Duulimaadka Gobolada Dalka aada ayaa horay la sheegay in looga qaadi jiray Lacag dhan 10$ Balse hadda laga dhigay 20$ Dolar(Labaatan Dollar) taas oo keentay in Shirkadaha Duulimaadka ay Shaqo joojin sameeyaan.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top