Home / Somali News / Shirka Hogaamiyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran oo galay Maalinkii Labaad

Shirka Hogaamiyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran oo galay Maalinkii Labaad

Muqdisho–KNN– Waxaa Maalinkii Labaad Magaalada Muqdisho ka soconaya Shirka Hogaamiyaasha Madasha wada-tashiga Qaran oo Shalay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka furay Madaxtooyada Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda Dowadda Federaalka Soomaaliya iyo inta badan Madaxda Maamul Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Dhexe iyo Beesha Caalamka.

Shirka Hogaamiyaasha Madasha Qaran ayaa intiisa badan looga hadlayaa Arrimaha Doorashada iyo Muranka ka jira qaar ka mid ah Musharaxiintii ku soo baxay Doorashada Aqalka Hoose sida ay noo sheegeen  Illo Muhiim ah oo Shirka qeyb ka ah.

Sidoo kale Shirka Hogaamiyaasha Madasha ayaa looga hadlayaa Tabashada Maamulka Puntland uu ka qabo Doorashada dadban ee Dalka ka socota.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top