Home / Somali News / Dhageyso:-Ahlusunna oo ka hadashay Dad lagu xir xiray Magaalada Dhuusamareeb

Dhageyso:-Ahlusunna oo ka hadashay Dad lagu xir xiray Magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb–KNN– Iyadoo Maamulka la Magac baxay Gobolada Dhexe ee Ahlusunna ay Magaalada Dhuusamareeb ku xir xireen Tiro Dad ah oo Qaarkood ay ka mid ahaayeen Ergooyinkii Xildhibaanada ku soo doortay Magaalada Cadaado ayaa waxaa ay ka hadleen Howlgalada Magaalada ay ka wadaan.

Mas’uuliyiin u hadlay ayaa sheegay in Howlgal Amni Xaqiijin ah uu ka socdo Magaalada Dhuusamareeb islamarkaana ay Ciidamo badan dhigeen Wadooyinka soo gala Degmada iyo kuwa ka baxa intaba.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in Howlgalka ay uga Golleeyihiin in Ammaanka Magaalada si weyn loo sugo Maadaama Magaalada lagu qabanayo Xaflado lagu Xusayo Dhalashada Nabigeena Muxamed Naxariis iyo Nabad Gelyo Korkiisa ha ahaatee.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top