Home / Somali News / Dhageyso:- Wasiir ka tirsan Galmudug oo sheegay in Boob lagu dhiibay Kursigii Beeshiisa

Dhageyso:- Wasiir ka tirsan Galmudug oo sheegay in Boob lagu dhiibay Kursigii Beeshiisa

Cadaado–KNN– Wasiir Dowlaha Xiriirka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cali Mire Faafaale oo Maanta Shir Jiraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa sheegay in Musuq Maasuq lagu dhiibay Kusigii uu u Tartamayay ee Beeshiisa islamarkaana Boobka lagu dhiibay Kursigaas ay Mas’uul ka yihiin Guddiga Doorashada Dadban ee Galmudug iyo Xubin ka mid ah Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal.

Axmed Mire Faafaale ayaa sheegay inuu ka mid ahaa Musharaxiinta Aqalka Hoose Ee Ceyr Bari,balse Kursigii uu u Tartamayay  lagu sameeyay Musuq Maasuq kii ugu Xumaa oo Shaqsi kale loo dhacay si aan Shirci aheyn sida uu hadalka u dhigay.

“Ergadii 51 aheyd ee uu Saxiixay Ugaaska waa la badalay waxaa lagu badalay Ergo kale oo Xitaa aysan ku jirin kuwo aan Beesha Kursiga leh u dhalan,waxaana taas sameeyay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Galmudug iyo C/llaahi Salaad Yarow oo kamid ah Guddiga Doorashada Galmudug iyo Xubin kale oo kamid ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal,waxaana ay ku Tunteen Heshiiskii u yaalay Madasha Qaran ee Doorashada lagu Jaheynayay”ayuu yiri Faafaale.

“Sidoo kale waxaa kamid ah Caddaalad Darada lagu boobay Kursiga waxaa la igu wargaliyay 4-tii December in aan imaado oo ay doorashadu dhaceyso,balse ma dhicin oo Doorashadii waxaa ay qabsadeen 6-dii December Subax Hore taas oo ah Boob loo jeedo”ayuu hadalkiisa ku daray.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top