Home / Somali News / Madaxweynaha Dalka oo u ambabaxay Itoobiya

Madaxweynaha Dalka oo u ambabaxay Itoobiya

-Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane; Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hor kacayo ayaa Maanta u kicitimay Magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya.

Safarka Madaxweynaha Dalka Soomaaliya ayaa salka ku haya ka qayb galka Shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo halkaasi kaga furmaya hoggaamiyeyaasha Waddamada Gobolka.

Shirkan ayaa la filayaa inay ku kulmaan Madaxda Waddamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD, iyagoo halkaasi kaga wada hadli doona xaaladahii ugu dambeeyay ee Gobolka.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top