Home / Somali News / Meleteriga Suuriya oo hakad geliyay howlgalka Xalab

Meleteriga Suuriya oo hakad geliyay howlgalka Xalab

Ruushka ayaa sheegay in meleteriga Suuriya u hakad geliyay dhamaan hawlahiisa ka dhanka ah falaagada mucaaradka ee bariga magaaladda Xalab si fursad loo siiyo in dadka ay magaalada isaga qaxaan

Laakin weriye BBC-da ka tirsan oo Xalab ku sugan ayaa sheegaya in uusan jirin wax tilmaamo ah oo muujinaya in dagaalku u joogsaday.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya ayaa soo jeediyay dagaalka oo la hakiyo ay fursad siinaysa in dib ay u bilowdaan wadahadalada nabadda.

Tobaneeyo kun oo qof ayaa waxaa ay ku hoos nool yihiin duqeyn dhanka cirka ah iyado ciidanka labada dhinacna ay dagaalka ku loolamayaan gacan ku haynta magaalada.

Mar sii horeysay ayaa falaagada mucaaradka Suuriya ee ku go’doonsan bariga magaalada Xalab waxaa ay codsadeen muddo shan maalmood in xabad joojin la sameeyo si dadka shacabka ah iyo kuwa dhaawaca ahba loo daadgureeyo.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top