Home / Somali News / Doorashada Aqalka Hoose ee Maamulka Hirshabelle oo la soo gaba gabeeyay

Doorashada Aqalka Hoose ee Maamulka Hirshabelle oo la soo gaba gabeeyay

Jowhar–KNN– Waxaa Maanta Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Caasimadda Maamulka Hirshabelle lagu soo gaba gabeeyay Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle ka soo galaya Baarlamaanka Cusub ee soo socda.

Maanta ayaa Magalaada Jowhar waxaa lagu doortay Labo Kursi oo kala Cabdi Casiis Cismaan iyo Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo ah Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ayaa dhawaan sheegay in Wasiir Nuux gabi ahaanba laga joojiyay u Tartanka Aqalka Hoose ee Soomaaliya,inkastoo Maanta uu ku soo baxay Kursigii ugu dambeeyay.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top