Home / Somali News / Qarax tareen oo Bulgaria ku dilay 4 qof

Qarax tareen oo Bulgaria ku dilay 4 qof

Afar qof ayaa dhintay kaddib markii uu khadka ka baxay tareen kaddibna uu ku qarxay dalka Bulgaria, kooxaha gurmadka degdega ayaa sidaa sheegay.

Dhowr qof oo kale ayaa sidoo kale shilka ku dhaawacmay, iyadoo tareenku uu dhibaato gaarsiiyay ugu yaraan 20 dhisme oo ku yaal tuulada Hitrino.

Dadka halkaasi ku noolaa ayaa taxadar ahaan halkaasi looga daadgureeyay, waxaa sidaasi wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay sarkaal ka tirsan booliska maxaliga.

“Qaraxa ayaa sidoo kale waxaa ka kacay dab. Ma filayno qarax labaad hasayeeshee dadkii ku noolaa tuulada waa laga daadgureeyay halkaasi. Ayuu yiri sarkaalkaasi.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top