Home / Somali News / War Deg Deg ah:- Ciidanka NISA oo Qarax ku Fashiliyya Duleedka Muqdisho

War Deg Deg ah:- Ciidanka NISA oo Qarax ku Fashiliyya Duleedka Muqdisho

Muqdisho–KNN– Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa Degaanka Siinka-dheer ee Duleedka Magaalada Muqdisho waxaa ay Goor dhaw ku Fashiliyeen Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa .

Gaariga oo Saraakiisha NISA ay sheegeen inuu ku soo jeeday Magaalada Muqdisho,balse Ciidamadu ay ka hortageen.

Waxaa Halkaas ku dhintayNinkii waday gaarigii Qaraxu ku rarnaa,kadib markii uu Qarxay.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in Gaariga Qaraxu ku rarnaa ee Ciidanku ay ka hortageen ay Taarigadiisu ay aheyd Taarigo Somaliland.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top