Home / Somali News / Wasiir Maareeye oo ka mid noqday Xubnaha Aqalka Hoose ee Soomaaliya

Wasiir Maareeye oo ka mid noqday Xubnaha Aqalka Hoose ee Soomaaliya

Muqdisho–KNN– Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa ka dhacay Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Beelaha ka soo jeeda Degaanada Soomaaliland.

Mas’uuliyiinta ku soo baxay Doorashada Aqalka Hoose ee Beelaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya waxaa kamid ah wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye .

Sidoo kale waxaa Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Beelaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ku soo baxay Mas’uuliyiinta kala ah.Feysal Cumar Guuleed,Cilmi Maxamuud Nuur iyo Aamino Cumar Jaamac.

Maanta ayaa la sheegay in Doorashada Beelaha Gobolada Waqooyi la dooran doono illaa 10 Kursi si loo soo gaba gabeeyo Doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Muqdisho.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top