Home / Somali News / Dhageyso:- Goobjooge KNN ay ka Wareysatay Qaraxii Saakay ka dhacay Agagaarka Dekedda

Dhageyso:- Goobjooge KNN ay ka Wareysatay Qaraxii Saakay ka dhacay Agagaarka Dekedda

Muqdisho–KNN– Qof Goobjooge ah oo ku sugnaa Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa la hadlay Idaacadda Kulmiye waxaana uu sheegay in Qaraxu uu geystay Dhimasho iyo dhawac soo gaaray Dad ku sugnaa Goobta.

Qaraxa ayaa ka dhacay Dhismaha Laanta Canshuuraha oo u dhaw Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa halkaas baaritaano ka wada Ciidamada Ammaanka Soomaaliya,iyadoo Gudaha Dekedda aysan jirin wax Shaqo ah oo ka socota,waxaana Maamulka Dekedda ay Amar ku bixiyeen in Shaqadda la joojiyo.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Qaraxa ay ku dhinteen 9 Ruux halka dhaawacu uu ka badan yahay illaa 15 kale.

Halkaan Hoose ka dhageyso Goobjoogaha

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top