Home / Somali News / Dhageyso:- Taliyaha ilaalinta Canshuuraha oo ka hadlay Qaraxii Saakay

Dhageyso:- Taliyaha ilaalinta Canshuuraha oo ka hadlay Qaraxii Saakay

Muqdisho–KNN– Taliyaha Ilaalinta Canshuuraha Biriga Ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. C/llaahi Xasan Bariise oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Qaraxii Saakay ka dhacay Dhismaha Laanta Canshuuraha oo u dhaw Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho lala bartilmaameedsaday Dad Shacab ah oo u badan Muruq Maalka Dekedda.

“Waxaa halkaas lagu Xasuuqay Dad Shacab ah oo aan waxba Galabsan oo doonayay in ay ka Xamaashaan Dekedda si ay Noloshooda u maareeyaan,waana wax laga Xumaado in Shacab Maati ah la laayo”ayuu yiri Gen. Bariise.

Illaa hadda Ma jirto Wax Faah-faahin ah oo Laamaha Ammaanka ka soo baxay oo ku aadan Xadiga uu le eg yahay Khasaaraha Dhimasho iyo midka dhaawac,balse Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in 9 Qof ay ku dhimatay Qaraxa illaa 15 kalena ay ku dhaawacmeen.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga Taliyaha 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top