Home / Somali News / Dhageyso:-Xildhibaanada Galmudug iyo Wasaarada Gadiidka oo Khilaaf soo kala dhexgalay

Dhageyso:-Xildhibaanada Galmudug iyo Wasaarada Gadiidka oo Khilaaf soo kala dhexgalay

Khilaafka u dhaxeya Xubnahani ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo wasaradda Gadiidka cirka iyo dhulka Galmudug ayaa waxaa ay ka dambeysay markii wasaaradda Gadiidka Gaalkacyo ay ka bilaawday bixin taaro cusub oo dhaawan ay sameystay Galmudug si loogu xiro gaadiidka ka shaqeya deeganada Galmudug hayeshe taarkadasi isticmaalkeeda waxaa sharci dara ku tilmaamay xubna ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo Gaalkacyo ku sugan .

Xildhibaan Cabdi Wali Cali Maxamuud Rooraye oo la hadlay warbaahinta ka howsha Gaalkacyo ayaa nasiib daro ku tilmaamay in iyagoo lagu guda jiro xaalad abareed in wasarada ay lacago badan ku dhigto gaadiidka Wuxuna intaasi ku daray in isticmaalka taarkada cusub aysan ansixin Baarlamaanka.

Dhinac  kale Nuur Xasan Nuur oo ah isku duwaha wasarada Gadiidka Cirka iyo Dulka ee Gobolka Mudug  ayaa sheegay  in aan loo baahneyn in la ansixiyo taarkada Cusub balse wuxu intaasi uu daray in wasiirada horay ay u soo gudbiyeen.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top