Home / Somali News / Madaxweynaha oo cambaareeyey weerarkii Istanbul

Madaxweynaha oo cambaareeyey weerarkii Istanbul

Muqdisho-11-12-2016-: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kaga tacsiyadeeyey dowladda iyo shacabka Turkiga dadkii ku dhintay weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

“Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan kaga tacsiyeynayaa dadkii ku dhintay weerarkii argagixiso, iyo kuwa ku dhawacmeyba. Weerarkan waxaa uu ahaa mid waxashnimo oo fuul xun. Waxaan si buuxda u garab taaganahay, murugadana la qeybsaneynaa walaalaheena Turkiga. Waxaan aaminsanahay in dhagar-qabeyaasha weerarkan geystey cadaaladda la hor keeni doono adduun iyo aakhirabaa” ayuu yiri Madaxweynaha

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay wadamada caalamka in la xoojiyo iskaashiga ku aadan sidii loo gaba-gabeeyn lahaa falalka iyo fekerka Kooxaha Argigixisada ah.

–Dhammaad–

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top