Home / Somali News / Ra’iisul Wasaare Sharmaake oo la kulmay Madaxweynaha Puntland

Ra’iisul Wasaare Sharmaake oo la kulmay Madaxweynaha Puntland

Garowe–KNN–Aqalka madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ayaa waxaa kulamo xasaasi ah kuleh ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo madaxweynaha  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Warar hoose ayaa sheegaya in labada dhinac ay gorfaynayaan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhexeeya Puntland iyo gudiga doorashada heer federal/madaxda madasha kaas oo salka kuhaya meesha lagu qabanayo doorashada xildhibaanada kasoo jeeda Puntland qabiil ahaan haseyeeshee kujira xubnaha Soomaaliland.

Puntland ayaa horay u sheegtay inaysan aqbali doonin in xubnahaasi lagu doorto Muqdisho, waxaana hadda kusugan Xamar Madaxweyne ku-xigeenka Camey iyo gudoomiyaha barlamaanka.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top