Home / Somali News / Tirada Dadkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay Agagaarka Dekedda oo Korortay

Tirada Dadkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay Agagaarka Dekedda oo Korortay

Muqdisho–KNN–Ugu yaraan 30 Qof oo isugu jira Shacab iyo Ciidan ayaa ku dhintay Qaraxii Saakay  ka dhacay Agagaarka Dekedda Weyn ee Magaalada Muqdisho sida aan ka helnay Goobjoogeyaal iyo Saraakiisha Goobaha Caafimaadka.

Dadka ku dhintay Qaraxa ayaa intooda badan laga soo saaray Burburka Qaraxu uu geystay,waxaana sidoo kale weli la baadi goobayaa Dad Waxyeelo ay ka soo gaartay Qaraxa in ay ku hoosjiraan  Burburka.

Geedo waa-weyn oo ku yaallay Goobta ayaa dhamaan Burburay,waxaana laga Cabsi qabaa in ay dad ku hoos jiraan.

Sidoo kale Dadka ku dhaawacmay ayaa la sheegay in 50 ay kor u dhaafeen,iyadoo Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay u badan yihiin Dadka Muruq Maalka ah ee Dekedda ka Xoogsada iyo Darawalada ka xeeya Gaadiidka dekedda wax ka qaada.

Booliska Soomaaliya waxaa ay sheegeen in Qaraxa ay ku dhinteen illaa 11 Qof,inkastoo dadkii Goobjooga ahaa ay radio Kulmiye u xaqiijiyeen in dhimashadu ay 30 ku dhaw dahay.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top