Home / Somali News / War Deg Deg ah:- Meydadka Afar Ruux oo laga soo saaray God Kaawada laga qodo oo ku yaalla Kaaraan

War Deg Deg ah:- Meydadka Afar Ruux oo laga soo saaray God Kaawada laga qodo oo ku yaalla Kaaraan

Muqdisho–KNN– Maamulka Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa Radio Kumiye u sheegay in Meydadka Afar Ruux oo kamid ah Dadka Qota Kaawada ay Goor dhaw ka soo saareen  God Kaawada laga qodo oo ku yaalla isla Degmada.

Guddoomiyaha Degmada Kaaraan ayaa Xusay in Meydadka Afar Qof hadda ay ku guuleysteen in ay dibadda  u soo saaraan islamarkaana ay hadda ku howlan yihiin raadinta Dad kale oo Ciida ku hoos jira.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Tiro dhalinyaro ah oo ku Hoos jiray God Kaawada laga qodo oo ku yaalla Degmada Kaaraan uu ku soo Dumay Godkii islamarkaana hadda ay socdaan Dadaalo lagu baadi goobayo Dad kale oo weli la la yahay.

Dhowr jeer ayaa Dad ku dhintay Gododka laga qodo Kaawooyinka oo ku yaalla Degmada Kaaraan ee Gobolka banaadir.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top