Home / Somali News / War Deg Deg ah:- Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Agagaarka Dekedda Muqdisho

War Deg Deg ah:- Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Agagaarka Dekedda Muqdisho

Muqdisho–KNN–Qarax Ismiidaamin ah oo Geystay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay Agagaarka Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Goobta Qaraxu ka dhacay ay tahay Goob lagu qaado Canshuurta Biriga oo u dhaw Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa noo xaqiijiyay in Gaariga Qarxay uu ahaa Gaari weyn,waxaana Qaraxa Xooggiisa laga maqlay dhamaan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ma jirto illo Madax banaan oo Xaqiijin kara Khasaaraha uu Geystay Qaraxa Ismiidaaminta ah ee ka dhacay Agagaarka Dekedda weyn ee Muqdisho.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top