Home / Somali News / Al-shabaab oo iskaga baxay Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo

Al-shabaab oo iskaga baxay Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo

Ceel-waaq–KNN– Wararka ka imaanaya Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay dib ula Wareegeen Gacan ku haynta Degmada Ceel-waaq oo Xalay ay Guud ahaan la wareegeen Al-shabaab.

Maamulka Degmada Ceel-waaq ayaa sheegay in Al-shabaab ay isla Xalay Magaalada Ceel-waaq  iskaga baxeen islamarkaana ay aadeen dhanka Degaanka Ceel-cadde ee isla Gobolka Gedo.

Guddoomiye Kuxigeenka Degmada Ceel-waaq ayaa Warbaahinta u sheegay Al-shabaab ay Magaalada ka wateen Nin Ganacsade ah oo si weyn looga yaqaanno Magaalada Ceel-waaq islamarkaana aan la ogeyn Sababta ay u wateen.

Magaalada ayaa hadda Degen waxaana si buuxda Gacanta ugu haya Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Al-shabaab ayaa Sanadkaan Gudihiisa Degmada Ceel-waaq la wareegay markii Labaad.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top