Home / Somali News / Kenya oo beenisay in Al-Shabaab la wareegeen degmada Ceel Waaq

Kenya oo beenisay in Al-Shabaab la wareegeen degmada Ceel Waaq

Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wararka soo baxayay saacadihii la soo dhaafay oo ku aadanaa in Al-shabaab la wareegeen degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Warbaahinta Kenya ayaa baahisay qoraal kasoo baxay dowlada Kenya oo lagu beeniyay in Al-shabaab la wareegeen degmada Ceelwaaq, waxaana qoraalka lagu sheegay in ciidamada Kenya ku sugan yihiin degmada.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in tiro Alshabaab ka tirsan ay ku dhawaadeen degmada, balse ciidamadooda aysan isaga bixin degmada Ceelwaaq.

” Degmada Ceel-Waaq waxaa gacanta ku haaya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale ciidanka dowladda Kenya ,waxaan sheegayna in ay been abuur yihiin wararka sheegaya in Al-Shabaab ay xalay qabsadeen degmada” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Kenya.

Saraakiil u hadashay ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Alshabaab saacado kooban gacanta ku hayeen degmada Ceelwaaq balse markii dambe ay isaga baxeen.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top