Home / Somali News / Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Tacsiyadeeyay Dadkii ku dhintay Qarax ka dhacay Kaniisad ku taal Dalka Masar

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Tacsiyadeeyay Dadkii ku dhintay Qarax ka dhacay Kaniisad ku taal Dalka Masar

Muqdisho- 12 December -2016-: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cambaareeyey qaraxii argagixiso ee shalay ka dhacay magaalada Abbassiya dalka Masar.

Madaxweynaha ayaaa uga tacsiyadeeyey dowladda iyo Shacabka dalka Masar dadkii ku dhintay qaraxaasi aragagaxida ah. ” Waxaan ka tacsi murugo leh u dirayaa dhammaan shacaba iyo dowladda dalka Masar ee aan walalaha nahay ka dib qaraxii argagixso ee lagu beegsaday dad aan waxba galabsan”

Madaxweynaha ayaa sheegay in falalkaas argagixisada ah ee lala beegsaday dadkaasi uu yahay mid waxshinimo ah oo ka fog Diinta Islaamka iyo bani’aadannimada.

Ugu dambeyntii,Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay wadamada caalamka in la xoojiyo iskaashiga ku aadan sidii looga hortagi meelna looga soo wada jeesan lahaa falalka iyo fekerka argigixisada ah meel walba ay adduunka ka joogaan.

DHAMAAD

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top