Home / Somali News / Mareykanka,QM iyo Turkiga oo si kulul uga hadlay Qaraxii Shalay ka dhacay Muqdisho

Mareykanka,QM iyo Turkiga oo si kulul uga hadlay Qaraxii Shalay ka dhacay Muqdisho

Dowladda Mareeykanka, QM, iyo Dowwladda Turkiga Si kala Gaar-kaar ah u Cambaareeyay, Qaraxii Qasaaraha Badan Geeystay ee  shalay Ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Waraqaad uu Soosaray Afhayeenka Golaha Amaanka Qaranka Mareeykanka Ned Price, ayuu ku sheegay in Mareeykanku uu Si Adag u Cambaareeynayo Weerarkii Shalay kadhacay Magaaladda Muqdisho kaasi oo Qasaaro Badan Dhaliyay.

Afhayeenka u hadlay dowladda Mareeykanka ayaa sheegay in Weeradii Isbuucaan dhexdiisa Dhacay ay yihiin isku Dayo Dagaalamyaasha Al-shabaab ay ku Doonayaan in ku Diciifiyaan Soomaaliya oo Hadda Ka shaqeeyneeysa in ay Soo dhisto Dowlad Dadka Dhan matasha.

Waxaa uu Sidoo kale sheegay Ned price in Mareeykanku uu Garab Taaganyahay Dowladda iyo Dadka Soomaaliyeed Gaar ahaan Xilligaan oo lagu jiro Doorasho Xasaasi ah.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda turkiga yaa Si ad Isna u cambaareeyay Weerarkii Shalay ka dhacay afaafka Hore Dekadda Muqdisho, Warqad uu Soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa lagu shegay in Turkigu uu sii waddayo Garab istaaga Walaalahood Soomaaliyeed , iyo Dadaaladda Dib u shiska  Xasilloonidda Dalka.

Cambaareeyta Turkiga ayaa ku soo Aadeeysa iyadoo Shalay Dalka Turkiga uu ka dhacay Qarax qasaare Geeystay oo ay ku Dhinteen Dadkabadan 40 Ruux ay ku dhaawacmeen Dad ay Tiradoodu Gaareeyso 170 Ruux.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramadda Midoobe u Qaabilsan Soomaaliya ayaa Isaguna Dhinicciisa Cambaareeyay Weerarkii Shalay muqdisho ka dhacay.

Meachel keating ayaa sheegay in Qaraxii slay Al-shabab ay kudileen Dadbadab uu Cadeeyn u haa Sidda al-shabaab ay u diidanyihiin Nolosha iyo Rajadda Muwaadiniinta soomaaliyeed, wuxxuu intaas kudaray in Qaraxii shalay loogu Talagalay in lgu muujiyo Diidmadda Alshabaab ee Doorashadda Sanadkaan 2016.

Qaraxii shalay oo ay ku dhinteen Dad Tiradoodu ay gaareeyso ku Dhawaad 40 Ruux Dhaawucuna uu ka badanyahay 60.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top