Home / Somali News / Puntland oo Maanta lagu soo gaba gabeynayo Doorashada Aqalka Hoose

Puntland oo Maanta lagu soo gaba gabeynayo Doorashada Aqalka Hoose

Garowe–KNN–Xarunta Jaamacadda bariga Africa ee magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa in saaka lagu soo gabagabeeyo doorashada aqalka hoose ee xildhibaanada federalka ah ee Soomaaliya.

Doorashada saaka ayaa waxaa lagu dooran doonaa ilaa 5 xildhibaan oo ah kuwa ugu dambeeya ee barlamaanka cusub, taasi oo kadhigan in Puntland ay soo afmeerto doorashada barlamaanka cusub.

Haddii Puntland ay Maanta soo Gaba gabeyso Doorashada Aqalka Hoose,waxaa ay ku biireysaa Maamulada kala ah Jubbaland,Koofur Galbeed Hirshabelle iyo Galmudug oo dhamaan soo Afmeeray Doorashadii Xubnaha Aqalka Hoose.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top