Home / Somali News / Shirka Hogaamiyaasha Madasha wada-tashiga oo Maanta Muqdisho ka furmaya

Shirka Hogaamiyaasha Madasha wada-tashiga oo Maanta Muqdisho ka furmaya

Muqdisho–KNN– waxaa Maanta oo Talaado ah la filayaa in Magaalada Muqdisho uu Shir uga furmo  Hogaamiyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran,iyadoo ay ka qeyb gali doonaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada.

Shirkaan ayaa looga doodi doonaa Saamiga Xubnaha Aqalka Sare ay ku yeelan doonaan Dadka Dega Gobolada Sool iyo Sanaag sida lagu Cadeeyay War-murtiyeedkii ugu dambeeyay ee ka soo baxa Hogaamiyaasha Madasha Qaran.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Hogaamiyaasha Madasha ay Cadeeyaan halka ay ka imaanayaan Xubnaha Aqalka sare ka soo galaya Gobolada Sool iyo Sanaag iyo mudooyinkii dambe muran uu ka jiray halka Xubnahaas lagu dooranayo.

Dhanka kale Maamulka Khaatumo oo ka mid ah Maamulada Dalka ka jira Balse aan helin Aqoonsi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku dhaqmeyso Sharci daro middii ugu xumeyd islamarkaana Xaquuqdii dadka dega Gobolada Sool iyo Sanaag ay Puntland ku raali gelisay.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top