Home / Somali News / Al-Shabaab oo bur buriyay anteenooyin Isgaarsiin ku yaalla gudaha Kenya

Al-Shabaab oo bur buriyay anteenooyin Isgaarsiin ku yaalla gudaha Kenya

Wararka ka imaanaya degmada Mandhera ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay bur buriyeen anteenooyin ay laheyd shirkada Isgaarsiinta Safaricom, kaddib markii ay ku xireen miinooyin.

Anteenooyinka Isgaarsiinta ayaa ku yaalay deegaano ku dhow dhow Mandhera, waxaana la soo sheegayaa inay ka jirto deegaanadaas isgaarsiinta oo aad u xun, meelaha qaarna aanay anteeno laheyn.

Guddoomiyaha Mandhera Fredrick Shisia ayaa sheegay in anteenooyinka isgaarsiineed ee la bur buriyay ay laheyd shirkadda Safaaricom  oo ah shirkada isgaarsiineed ee loogu isticmaal badan yahay Kenya.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in markii maalin hore ay la wareegeen degmada Ceel Waaq ay u gudbeen deegaano ku dhow dhow Mandhera, kadibna ay miinooyin ku xireen anteenooyin isgaarsiin.

Ma ahan markii u horeysay ee Al-Shabaab ay bur buriyaan anteenooyin isgaarsiin oo ku yaalla gudaha Kenya.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top