Home / Somali News / Dhageyso:-Dowladda Soomaaliya oo beenisay in Xoolaheeda ay qabaan Cudurka Rifti-Faali

Dhageyso:-Dowladda Soomaaliya oo beenisay in Xoolaheeda ay qabaan Cudurka Rifti-Faali

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xukumadda Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo la hadlay Saxafadda ayaa been abuur ku tilmaamay War ka soo yeeray Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ahaa in Xoolaha Soomaaliya ay jiran yihiin sidaana loo joojiyay in Wadanka Sacuudiga loo soo dhoofiyo.

Wasiir Ciid ayaa sheegay in Xoolaha Soomaaliya ay Caafimaad qabaan oo ay Baareen Hay’addo Caalami ah oo ku Taqasuusay Baaritaanka Xoolaha.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya ayaa intaa ku daray in Sacuudiga uusan Xaq u laheyn inuu yiraado Xoolaha Soomaaliya waa ay jiran yihiin,taas badalkeedana ay leeyihiin in Hadii Cudur ku dhaco Xoolaha Soomaaliya ay sheegaan Hay’adaha ku shaqada leh.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Wasiirka

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top