Home / Somali News / Dowladda Sacuudiga oo War ka soo saartay Qaraxyada ka dhaca Soomaaliya

Dowladda Sacuudiga oo War ka soo saartay Qaraxyada ka dhaca Soomaaliya

Kulan ay yeesheen golaha Wasiirada dalka Sacuudiga ayaa looga hadlay arimo ay ka mid yihiin la dagaalanka Waxa loogu yeero Argagixisada.

Warka ka soo baxay Xukumadda Wadanka Sacuudi Carabiya ayaa lagu sheegay in Weerarada Qaraxyada ah ee ka dhaca Soomaaliya gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay noqdeen kuwo soo laab laabtay islamarkaan Dowladda Sacuudiga ay ka go’an tahay in ay wax ka qabato ka hortaga Weerarada Argagixiso ee ka dhaca Soomaaliya iyo Turkiga.

Hadalka qoraal ah oo laga soo saaray kulanka golaha Wasiirada dalka Sacuudiga oo uu warbaahinta u aqriyay Wasiirka Warfaafinta iyo dhaqanka dalka Sacuudiga Adel Al-Turaifi ayaa lagu sheegay in dowladda Sucuudiga ay ka go’an tahay in loo gurmado dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho bilihii lasoo dhaafay.

Adel Al-Turaifi Wasiirka Warfaafinta Sacuudiga ayaa sidoo kale xusay in golaha Wasiirada dalka Sucuudiga ay isku afgarteen in dowladda Soomaaliya laga caawiyo la dagaalanka Xarakada Al-Shabaab.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top