Home / Somali News / Guddiga Doorashada Galmudug oo sheegay in Kuraas la doortay aan dib loogu laaban doonin

Guddiga Doorashada Galmudug oo sheegay in Kuraas la doortay aan dib loogu laaban doonin

Guddiga doorashooyinka dadban ee dowlad goboleedka Galmudug iyo Wakiilada u matala Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa soo saaray war saxaafadeed ay uga hadlayaan howlihii doorashooyinka ee ka dhacay Cadaado iyo hanaankii loo maray meel marintiisa.

War saxaafadeedka Guddiga ayaa lagu sheegay in xubno ka mid ah Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga xalinta khilaafaadka ay iska kaashanayaan sidii ay u carqaladeyn lahaayeen, isla markaana u laali lahaayeen kuraas laga soo maray doorashadooda dhib badan, iyagoo aan xog wareysi rasmi kala sameyn howl wadeenada iyo guddigooda.

Sidoo kale Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa ugu baaqay Madasha Wada-tashiga Qaran iyo Beesha Caalamka  inay soo fara geliyaan dhaq dhaqaaqyada lagu naafeynayo hanaanka doorashada inta aysan fursadaha wax lagu sixi karo dhamaan.

Guddiga doorashooyinka heer federaal iyo Beesha Caalamka ayaa horay u saaray war saxaafadeed ay ku qaadaceen doorashada kuraas ka mid ah kuwa lagu doortay Cadaado oo shaki la geliyay qaabka lagu doortay.

Halkan hoose ka akhriso War saxaafadeedka ka soo baxay Guddiga doorashada Galmudug:-

galmudug_9

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top