Home / Somali News / Qarammada Midoobay oo sheegay in guryaha “lagu dhexlaynayo” shacabka Xalab dagan

Qarammada Midoobay oo sheegay in guryaha “lagu dhexlaynayo” shacabka Xalab dagan

Ciidammada taabacsan dawladda Suuriya ayaa galaya guryaha ku yaaalla bariga magaalada Xalab iyaga oo laynaya dadka ku jira oo ay ka mid yihiin dumar iyo caruur sida ay Qarammada Midoobay sheegtay.

Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Qarammada Midoobay ayaa sheegtay in ay hayso cadaymo lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan in afar goobood lagu dilay 82 ruux oo shacab ah, iyada oo la tooganayay qofkii la arkaba.

Afhayeen u hadlay hay’adda ayaa sheegay in ay u muuqato “in gabi ahaanba ay meesha ka baxday banii’aadminimadii magaalada Xalab taalay”

Jabhaddihii haystay bariga magaalada Xalab muddo afar sano ah ayaa qarka u saran in la jabiyo.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top