Home / Somali News / R/wasaare Sharmaake oo Madaxweyne Gaas kula kulmay Garowe

R/wasaare Sharmaake oo Madaxweyne Gaas kula kulmay Garowe

Madaxweynaha  Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehliyaan xubnaha labada Aqal ee Puntland u matali doona dawladda Soomaaliya ayaa sagootiyey Ra’iisulwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Garoowe.

Ra’iisulwasaare Sharmaake ayaa xalay la wada kulmay labada Aqal ee dawladda Faderaalka Soomaaliya iyo guddiga Ole-olaha doorashadiisa, waxaana laysla qaatay go`aamo masiiri ah oo ku saabsan doorashada Soomaaliya.

Mr, Sharmaake ayaa kulan khaas ah la qaatay Madaxda ugu sareysa  Puntland iyo Siyaasiinta kusugan magaalada Garoowe, waxaa laysku afgartay in si toos ah loo taageero tartankiisa Madaxweyne-nimo.

Ra’iisulwasaare Sharmaake ayaa si deg deg ah ugu laabanaya magaalada Muqdisho, isagoo halkaas ay ka bilaaban doonta Loolanka ugu adag, maadaama xubnaha labada Aqal ay iskugu imaanayaan 14-ka bishan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top