Home / Somali News / Sargaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Duleedka Degmada Jowhar

Sargaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Duleedka Degmada Jowhar

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in laba nin oo rayid ah ay toogasho ku dileen mid ka mid ah Taliyeyaasha Sare sare ee Al-shabab ee gobolka aad looga yaqaan oo la yirahdo Cabdiraxman Raaxaale.

Weerarka lagu dilay ninkan waxa uu ka dhacay deegaanka Ceel Dheere Barsane oo qiyaastii 50 km u jirta magaalada Jowhar.

Labadan nin ayaa waxaa saldhigga booliska ee Jowhar ku soo bandhigay ciidamada Boolsika iyagoo sharaxay sababta ku kaliftay ama ku dhiiri gelisay inay weeraraan ayna toogtaan sarkaalkan ka tirsanaa al-shabab.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top