Home / Somali News / War Deg Deg ah:- Mas’uuliyiin ka tirsan Ahlusunna oo ka badbaaday isku day dil

War Deg Deg ah:- Mas’uuliyiin ka tirsan Ahlusunna oo ka badbaaday isku day dil

Maxaas–KNN– Wararka ka imaanaya Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Maanta Mas’uuliyiin ka tirsan Ahlusunna lagu Weeraray Duleedka Maxaas islamarkaana ay ka Badbaadeen isku day dil,kadib markii ay Jidka u galeen Ciidamada  Maamulka Hirshabeelle.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Gaari ay wateen Mas’uuliyiinta Ahlusunna oo ay weheliyaan Afar Askari oo Ciidamada Dowladda ee ku sugan Degmada Maxaas ka Goostay ay isku dhaxeen Ciidamo ka tirsan Hirshabeelle oo ku sugnaa Barkoontorool oo ku yaalla Duleedka Maxaas.

Ma Cadda Khasaaraha ka dhashay Iska hor imaadka inkastoo ay Mas’uuliyiinta Ahlusunna ka badbaadeen.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top