Home / Somali News / Ahlusunna oo xirtay Shaqaale ka tirsan Hay’adda Hellotrust

Ahlusunna oo xirtay Shaqaale ka tirsan Hay’adda Hellotrust

Dhuusamareeb–KNN–Ciidamada Maamulka Ahlusunna ayaa Galabta Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud waxaa ay ku xireen 5 kamida Shaqaalaha hay’adda Hellotrust  oo qaabilsan Miino baarista islamarkaana ka howlgasha Gobolka Galgaduud.

Ahlusunna ayaa 5 Ruux ee Shaqaalaha u ah hay’adda Hellotrus ku xirtay Xabsiga dhexe ee Magaalada Dhuusamareeb,waxaana ay ku Eedeeyeen in ay la shaqeyaan Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ahlusunna ayaa sheegay in Hareeraha Magaalada Dhuusamareeb ay Miinooyin ku aaseen Shaqaalaha Hay’adda Hellotrus oo sidaa lagu xiray.

Ma jirto Illo Madax banaan oo xaqiijinaya Wax ka jira warka Al-shabaab ee ku aadan Eeda ah in Shaqaalaha hay’adda Hellotrus ay la shaqeyaan Al-shabaab,iyadoo weli Maamulka hay’adda Hellotrus aysan ka hadlin Xariga Shaqaalaheeda.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top