Home / Somali News / Dagaalka Xalab oo lagu kala baxay

Dagaalka Xalab oo lagu kala baxay

Dagaalka afarta sano ka socday magaalada Xalab ayaa u muuqda mid soo idlaaday, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in wax dagaal ah uusan dhicin tan iyo markii lagu dhawaaqay xabadjoojinta lagu ogolaanayay in dagaalyahanada fallaagada ah ay isaga baxaan magaalada.

Ruushka ayaa sheegay in howgalkii milatari ee magaaladaasi uu soo dhamaaday, haatana ay ciidamada dowladda Suuriya gacanta ku dhigeen goobihii ugu dambeeyay ee ay gacanta ku hayeen fallaagada.

Saacadaha soo socda waxaa la filayaa basas lagu daad gureeyo dadka dhaawaca ah, waxaana dagaalkii afarta sano halkaa ka socday ku dhintay dad aad u badan, halka qeybo badan oo ka mid ah bariga magaaladani dhulka lala simay.

Mar sii horeysayna, gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kullan deg-deg oo uu yeesha kaga dooday dhibaatada Xalab, waxaana xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay , Ban Ki-moon uu xooggaga dowladda Suuriya ku eedeeyay in ay geysteen dilal ula kac ah.

Maraykankana waxa uu dowladda Suuriya, Ruushka iyo Iraan oo xullufa ah ku edeeyay in ay masuul ka yihiin xasuuqa ka dhacay halkaasi, balse Ruushka ayaa arrintaasi beeniyay.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top