Home / Somali News / Dhageyso:- Puntland oo ku amartay in ay is diiwaan galiyaan Muruq-maalka Gaalkacyo

Dhageyso:- Puntland oo ku amartay in ay is diiwaan galiyaan Muruq-maalka Gaalkacyo

Gaalkacyo–KNN–Taliska Amniga Gobolka Mudug ee Puntland ayaa maanta Magaalada Gaalkacyo kaga dhawaaqay go’aan degdeg ah oo loogu yeerayo xoogsatada Magaalada Gaalkacyo ka shaqeysata.

Taliyaha qeybta booliska Gobolka Mudug Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame oo shir jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo ayaa sheegay in loo baahan yahay inay taliska yimaadaan dhammaan dadka muruq maalka ah ee ka Gaalkacyo ka dhex shaqeysta si baaritaan loogu sameeyo shaqooyinkooda loona diiwaan geliyo.

Taliyuhu wuxuu sheegay inay dadkaan wax badan ogyihiin maadaama ay meel kasta oo bulshadu isugu timaada ku sugan yihiin, sidoo kalena wuxuu sheegay in loo adeegsado falalka nabad gelyo darrada.

Taliyuhu wuxuu sidoo kale sheegay inay xalay ciidamadu sameeyeen howlgal dhalinyaro lagusoo qab qabtay.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top