Home / Somali News / Mareykanka oo diyaarado casri ah ugu deeqay Israel

Mareykanka oo diyaarado casri ah ugu deeqay Israel

Dowlada Mareykanka ayaa 50 diyaaradeed oo ah nooca casriga ah ee F35 ugu deeqday Israel.

Qiimaaha halkii diyaarada waa 100 malyan oo doolar,Labadii diyaaradood ee ugu horeeyay deeqdan ayaa gaaray Israel.

Raysulwasaaraha Israel Neyanyahu oo munaasabad arintan loo qabtay ka hadlay ayaa ku faanay awooda militari ee Israel wuxuuna sheegay in Israel noqotay wadanka labaad ee hela diyaaradaha casriga ah marka laga reebo Mareykanka ah oo dalkii lagu sameeyay.

“Maanta waxaan rabaa inaan shacabka Israel usheego in gacantii dheereed ee Israel ay sii dheeraatay siina xoogaysatay,” ayuu yidhi Netanyahu.

Bishii September ee sanadkan ayay Israel iyo Mareykanku kala saxiixdeen heshiis militari oo ku kacaya 43 bilyan oo doolar iyadoo 5 bilyan oo lacagtan kamid ah ay ku baxayso qalabka difaaca gantaalada.

Diyaaradihii hore ee Israel wax ku gumaadi jirtay ayaa ahaa nooca F15 iyo F16 hadana waxay heshay nooc kasii casrisan oo ah F35 oo gumaad ka daran gaysan kara.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top