Home / Somali News / Maxkamad ku taala Kismaayo oo Dil ku Xukuntay Nin horay dil u geystay

Maxkamad ku taala Kismaayo oo Dil ku Xukuntay Nin horay dil u geystay

Kismaayo–KNN–Maxkamad ku taala Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa Maanta Dil Toogasho ku Xukuntahy Nin lagu Magacaabo Cumar Faarax Cismaaciil oo ku Eedeeysanaa inuu Isla Magaalada Kismaayo ku dilay Marxuun C/raxmaan Maxamuud Carab.

Cumar Faarax Cismaaciil ayaa Afartii Bishii November ee aan ka soo gudubnay waxaa uu Magaalada Kismaayo ku Dilay C/raxmaan Maxamuud Carab,dilkaas oo uu u adeegsaday Tooreey.

Marxuun C/raxmaan Maxamuud Carab iyo Cumar Faarax Cismaaciil oo Maanta ay Maxkamadu ay dil Toogasho ku Xukuntay ayaa ka wada tirsanaa Ergadii soo dooran laheyd  mid kamid ah Xildhibaanadii Aqalka Hoose ee Jubbaland lagu doortay.

Cumar Faarax Cismaaciil 67-sano ayaa Maxkamadda ka hor qirtay inuu dilay C/raxmaan Maxamuud Carab oo Da’diisa asna lagu sheegay 60-sano jir.

Xukunka ay Maanta ridday Maxkamadda Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Ehelka Labada Dhinac.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top