Home / Somali News / Milatariga Soomaaliya iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Gobolka Shabellaha Hoose

Milatariga Soomaaliya iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Gobolka Shabellaha Hoose

Qoryooley–KNN– Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Xalay Dagaal Culus  oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Dagaalameyaasha Al-shabaab uu ka dhacay Tuulooyin hoosyimaada Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa Idaacada Kulmiye u sheegay in Weerar ay ku qaadeen Tuulooyin ay ku sugnaayeen Al-shabaab oo Hoosyimaada Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalka dhexmaray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Xarakadda Al-shabaab ayaan la ogeyn Khasaaraha uu dhaliyay.

Goobjoogeyaal ku sugan Degmada Qoryooley ayaa sheegay in Dagaalka si weyn looga maqlayay Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Shabaab dhankooda weli kama hadlin Dagaalka Xalay ka dhacay Tuulooyin hoosyimada degmada Qoryooley.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top