Home / Somali News / War Deg Deg ah:- Guddiga Doorashada Koofur Galbeed oo ka horyimid Go’aankii Guddiga Xalinta Khilaafaadka

War Deg Deg ah:- Guddiga Doorashada Koofur Galbeed oo ka horyimid Go’aankii Guddiga Xalinta Khilaafaadka

WARSAXAAFADEED

Baydhabo, 14 Diseembar, 2016

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Koonfur Galbeed wuxuu Shacabka

Soomaaliyeed, Madasha Hogaanka Qaranka iyo Beesha Caalamka la socodsiinayaa in

go’aanka Guddiga Xalinta Khilaadaafka Doorashooyinka ay kusoo celiyeen kuraasta 11ka

ah, kuwaas oo 5 kamid ah lagu soo celiyay Koonfur Galbeed uu yahay mid aan xaqiiqda ku

saleysneyn oo hareer marsan habraacyada doorashooyinka 2016.

Guddiga Doorashooyinka KG wuxuu go’aanka GXKH u arkaa in:

  1. GXKH ay yihiin dad aan war u hayn Habraaca Doorashooyinka Dadban,

Warmurtiyeedyadii MHQ ay isku raaceen ee hagayay nidaamyada Doorashooyinka.

  1. Kuraasta lasoo celiyay in ay siyaasadeysan yihiin oo uu GXKH ugu adeegayo dad

dano khaas ah leh.

  1. Dacwooyin been abuur ah oo ay usoo gudbiyeen musharaxiin kusoo hungoobay

helidda kalsoonida shacabkooda oo ay siyaasiyiin dano gaar ah leh ay gadaal ka soo

riixayaan .

  1. GXKH wuxuu sumcad ku raadinayaa inay sumcad dil ku sameeyaan GDGHDD ee KG

taasoo aan marnaba la aqbali Karin.

  1. In ayadoo lawada ogyahay dacwo badan deegaan doorashooyinka kasoo gaareen

GXKH ayaa waxaa cad in Koonfur Galbeed si gaar ah loo bartilmameedsaday halka

kuwa kale la iska indha tiray. Taasina waxay caddeyneysaa heerka musuqa uu ka

gaaray GXKH.

  1. In la iska indha tiray qoraalada caddeymaha ah ee GDGHDD u gudbiyay GDXKH.

Taasoo caddeyn u ah in GXKH ay dad gaar ah danahooda ka shaqeynayaan.

Sidaas darted, Gudiga Doorashooyinka KG wuxuu iska diiday inay aqbalaan dib u

qabashada kuraasta 5ta ah ee ay sheegeen inay soo celiyeen. Kuraastaas oo doorashadoodu

u dhacday si xor ah oo xalaal ah, waafaqsana habraacyada doorashooyinka. Haddaba,

waxaan halkaan ku caddeyneynaa in go’aanka ay soo saareen guddiga XKHD yahay mid

lagu burinayo doorashada ka dhacday deegaan doorashooyinka soomaaliya uu yahay mid

siyaasideeysan oo aan marnaba la aqbali karin.

Waxaan MHQ ugu baaqeynaa inay soo farageliyaan go’aanadan la musuqay ee GXKH ay

gaareen. Sidoo kale Beesha caalamka waxaan ugu baaqeynaa inaysan ku kedsoomin inay

taageeraan go’aanadaas musuqa lagu saleeyay ee ka fog xaqiiqda.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top