Home / Somali News / Dhageyso:-Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo Xildhibaada lagu doorya Jowhar ka Codsaday in ay Codka siiyaan M/weyne Xasan

Dhageyso:-Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo Xildhibaada lagu doorya Jowhar ka Codsaday in ay Codka siiyaan M/weyne Xasan

Muqdisho–KNN– Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle Sheekh Cusmaan Bare Maxamed oo Xalay ka hadllayay Munaasabad Shahaadooyin lagu gudoonsiinayay Xildhibaanada Labada Aqal ee lagu doortay Magaalada Jowhar ayaa ka codsaday in ay Codka siiyaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sheekh Cusmaan Bare Maxamed ayaa intaa ku daray in Shaqsiga kaliya ee Hogaamin kara Dalka uu yahay Madaxweynaha hadda Talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud ayna Codka siiyaan sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ayaa imaanaya xilli 28-ka  Bishaan Dalka ay ka dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top