Home / Somali News / Madaxweynaha Hirshabeelle oo shahaadooyin siiyay labadii Xildhibaan ee kursigooda la laalay”Sawiro”

Madaxweynaha Hirshabeelle oo shahaadooyin siiyay labadii Xildhibaan ee kursigooda la laalay”Sawiro”

Muqdisho–KNN–Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa qaadacay go’aankii Guddiga xalinta khilaafaadka  ee ay ku laaleen labo ka mid ah kuraastii lagu doortay magaalada Jowhar, kaasoo Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal uu diiday inuu aqbalo natiijada doorashadaas oo loo maray hab aan sharci aheyn.

Xaflad Xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay 46 Xildhibaan oo ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka, kuwaasoo lagu soo doortay Magaalada Jowhar.

Hase ahaatee waxaa layaab aheyd markii Madaxweynaha Hirshabeelle uu shahaadooyin guddoonsiiyay Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo ahaa Wasiirkii Dhalinyarada iyo C/casiis Saalax Carmaan oo labadaba ka mid ahaa 11-kii kursi ee ay laaleen Guddiga xalinta khilaafaadka.

Doorashadii Sabtidii la soo dhaafay ka  dhacday magaalada Jowhar ayaa aheyd tii ugu yaabka badneyd, waxaana lagu doortay labada kursi ee harsaneyd, kuwaasoo kala ahaa Maxamed Xasan Nuux  oo 7-dii bishan Guddiga doorashooyinka ka joojiyay inuu u tartamo kursigaas iyo C/casiis Saalax Carmaan oo ka soo jeeda Beesha Carab Soomaali oo isna lagu eedeeyay in ergo aan matalin beesha uu xareystay, dabadeedna ay doorteen.

Labada kursiga ayaa doorashadooda aheyd mid deg deg oo si boobsiis loo qabtay, iyadoo ergooyin aan sax aheyn la xareeyay salaadii subax, iyadoo ergooyinka kalena ay ka war heleen markii uu waaga baryay in la doortay labada nin.

Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ayaa 7-dii bishan ka joojiyay Wasiir Nuux inuu u tartamo kursiga Beesha Jidle, taas bedelkeed waxay ugu baaqeen Ugaaska Beesha inuu soo xulo ergo cusub oo doorata Musharaxiin cusub.

Wasiir Nuux ayaa loo heystay inuu ku lug fowdadii ka dhacday gudaha hoolka doorashada 18-kii bishii November, waxaana is rasaaseyn ka dhalatay fowdadaas ay sababtay inay dhaawacyo illaa afar ruux oo uu ku jiro wiil uu dhalay Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Beesha Caalamka ayaa horay u qaadacday doorashada Wasiir Nuux, waxayna ku tilmaameen doorasho aanay u dhicin qaab sax ah, maadaama horay Guddiga doorashooyinka go’aan uga soo saareen oo ahaa in gebi ahaanba Tartanka laga joojiyay.

carmaan nu nuux

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top