Home / Somali News / Maxaa ka Cusub Saakay Magaalada Gaalkacyo?

Maxaa ka Cusub Saakay Magaalada Gaalkacyo?

Gaalkacyo–KNN–Waxaa weli xiran isku socdka gadiidka Ganacsiga ee ka dhax shaqeyn jiray konfurta iyo waqooyiga Gaalkacyo kadib markii mudoyinkii ugu dambeysay Gaalkacyo ay ka socdeen wada hadalo u dhaxeyo gudiyo isku dhaf ah ee kala socday Galmudug iyo Puntland.

Laba Kontarol ee Gaalkacyo islamrkan gacanta ay ku hayaan labada maamul waxaa lagu arkayaa Gaadiid badan oo badeecooyin kala duwn wada oo ku xaniban mudda ka badan isbuuc iyadoona xubna ka tirsan  gudiga nabadeynta Gaalkacyo ay  sheegen in aysan ku dag dageen furitaanka wadooyinka xiran .

Duqa Dagmada Gaalkacyo ee Puntland Maxamud Yaasiin Tumey kana mid ah gudiga nabadeynta Gaalkacyo ayaa sheegay in wada hadladii u dhaxeya gudiyada ay ku yimadeen gaabsi xoogan isagoona intaasi ku daray in ay ku dadaalayan sidi loo furi laha wadooyinka xiran ,inkastoo uu sheegay in wadooyinka xiran furitaankoda ay ka horeyso isfahan  dhaxmara  labada maamul taas oo ku tusineysa in ilaa iyo hadda heshiis buuxda aan la gaarin.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top