Home / Somali News / Puntland oo si adag uga hortimid Go’aankii Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka

Puntland oo si adag uga hortimid Go’aankii Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka

Garowe–KNN– Guddiga Doorashooyinka Maamul Goboleedka Puntland ayaa si cad u diiday Go’aankii Shalay ka soo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee ahaa in 11 Xildhibaan oo ka mid ah Aqalka hoose ay si Musuq Maasuq ah ku soo baxeen islamarkaana ay ku amreen in dib loogu laabto Doorashadaas.

Guddiga Doorashada Puntland ayaa sheegay in Go’aanka ka soo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka uusan quseyn islamarkaana Doorashadii ka dhacday Puntland ee Labada Aqal lagu soo doortay ay si caddalad ah u dhacday oo aysan jirin Doorasho kale oo ay dib ugu laabanayaan.

11-ka Kursi ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka uu laalay ayaa Puntland waxaa uga jira Labo Xildhibaan oo Magaalada Garowe lagu soo doortay.

Koofur Galbeed ayaa shalay iyaduna ka hortimid Go’aanka Lagu joojiyay Xildhibaanada gaaraya 11-ka Mudane,waxaana Koofur galbeed ay ku leedahay 5 Xildhibaan,waana Maamulka ugu badan.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top